Hay'ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigtey Cabdifataax Nuur Cabdullaahi iyo Xasan Cabdullaahi Maxamed ( Xasan Qooqaani) oo bishii koowaad ee sanadkan magaalada Kismaayo kala goostey gaadhi ( Landcruiser Hardtop) ah oo ay laheyd wasaarada biyaha iyo tamarta ee Dowlad goboleedka Jubbaland ayaga oo u gacangaliyey kooxda argagixisada alshabaab.
JISA oo dabagal dheer ku haysey labadan nin ayaa u suuro gashey in ay gacanta ku dhigaan raggan kadib markii ay si dhuumaaleysi ah Muqdisho ku galeen halkaas oo ugu dambeyn dib loogu soo celiyey magaalada Kismaayo.
Sida ka muuqata sawirka hoose waa waqtigii ay gaareen Degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe halkaas oo ay gaadhigii ay la goosteen ku wareejiyeen horjoogaha Khawaarijta ee degmada Jilib Abuu Cabdalla.
This site uses cookies to help personalise content, tailor your experience and to keep you logged in if you register.
By continuing to use this site, you are consenting to our use of cookies.