Perhaps you could brief us as to what others stands for, in your estimation? And how one differs from the other.
Excellent idea. Here are the programs of each party
Xogta Urur-siyaasadeedka Runta Iyo Caddaaladda oo kooban
Magaca ururku waa Runta iyo Caddaaladda (RunCad), labada erey ee Run iyo Caddaalad ayaana ururka u ah magac iyo mabda’ba, wuxuuna u taagan yahay in ay ummadda Soomaaliyeed hesho nidaam maamul oo runta la wadaaga, garsoorna ugu sameeya si caddaalad ah.
Nooca Ururka Runta iyo Caddaaladu, waa urur siyaasi ah oo aamminsan afkaarta iyo mabaadi’da ku salaysan wada-tashiga, isla markaasna waafaqsan shareecada Islaamka.
Ururka Runta iyo Caddaaladdu waa urur u taagan midnimada iyo wada-jirka ummadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaanna Puntland.
Ururka Runta iyo Caddaaladdu wuxuu aamminsan yahay in ummadda Soomaaliyeed ay ku wada noolaato nabadgelyo, caddaalad iyo garsoor dhab ah.
Ujeeddooyinka Ururka Runta Iyo Caddaaladda waxaa saldhig u ah qodobbadan:
1. Xoojinta, isku duubnida iyo isku-xirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Strengthening the unity and cooperation between Somali regions and Somalis in general
2. Adkaynta shareecada Islaamka iyo ku dhaqankeeda suubban.
Strengthening the application of Sharia law
3. Hirgelinta iyo ku dhaqanka nidaamka xisbiyada badan iyo xukunka oo lagula kala wareego hannaan-doorasho oo xor iyo xalaal ah.
Implementation of multiparty system, free and fair elections
4. Dhammaystirka, hirgelinta iyo ku dhaqanka dastuurka fedaraalka ah oo dhowraya shuruucda dalka iyo nidaamka fedaraalka ah.
Implementation of the national constitution, implementation of federal system at nation
5. Hirgelinta sinnaan iyo caddaalad buuxda ee bulshada dhexdeeda iyo sharciga hortiisa.
Implementation of social justice between the citizens and between citizen and government
6. Hirgelinta iyo xaqiijinta nidaam dowladeed oo ummaddu u siman tahay hoggaanka iyo
metelaadda dalka, iyada oo la eegayo kartida, aqoonta iyo hufnaanta qofka, ee aan la eegin qolo (qabiil) iyo wixii la mid ah.
Implementation of meritocracy and equality among government workers. The government must represent the pe
7. Xaqiijinta baabbi’inta iyo tirtiridda nidaamka sharcidarada ah ee hayb-sooca, kaasoo ka soo horjeeda shareecada Islaamka iyo qawaaniinta dowliga ah.
Ending caste system which is un-Islamic and violates human rights comven
8. Kor u qaadista dhaqaalaha dalka iyo ka faa’iidaysiga khayraadka ku jira, iyada oo la
dhiirrigelinayo maalgelinta gaarka ah iyo suuqa xorta ah.
increasing the economy based on free market and investment in natural resources
9. Kor u qaadista arrimaha bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, garsoorka, fanka iyo suugaanta, isboortiga iwm.
Investing in social welfare such as education, health care, justice reforms, elevating cultural heritage such as music and poetry.
10. Xoojinta xuquuqda siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee dhallinyarada, dumarka iyo dadka laga tiro badan yahay.
Strengthening political rights, economy and investing in the youth, women and minorities
Hal-ku-dhegga Ururku waa: “KAGA RAYSO RAFAADKA RUN IYO CADDAALAD”
Slogan: Say farewell to hardship with Run iyo Cadaalad (Truth and Justice)
Ideology: conservative with strong focus on justice, social reforms and economy.