Ain't nobody gonna read that calaacal niyahow get some grep and shorten u calaacalLaascaanood oo kaliya bil walba dawladda Somaliland waxay ku bixin jirtay $4 million. All Laascaanood councillors salaries plus the mayor and vice mayor, Teachers, doctors and nurses salaries, and more.
Caynabo iyo Oog ayaa loo bahdilay Laascanood, 15 sannadood waxaa lagu bixiyay Laascaanood lacag 400 malyuun oo dollar gaadhaysa.
Bil kasta, waxay xukuumadahii kala danbeeyay ee Jamhuuriyadda Somaliland ku bixin jireen 4 malyuun oo dollar oo mushahar oo qudha loo bixin jiray degmada Laascanood oo qudha, golaha deegaanka ee Laascanood, waa golaha deegaanka ee Somaliland oo dhan kelidii xukuumaddu mushahar siiso Maayar ilaa xubin, magaalada hawlaha ka socda sida dhismayaasha waddooyinka, iskuulada, caafimaadka waxaa dhammaan kharashka bixin jiray xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaa dheera lacag miisaaniyadda guud ee qarranka Somaliland oo dhan inta 2% laga jaro oo noqonaysa 18 malyuun oo dollar la siin jiray degmada Laascanood oo keliya, Degmada Caynabo kuma jirin.
Kolkoolintaasi waa ta dhashay nacaybka iyo xiqdiga lagula dul dhacay Somaliland.
Somaliland waxaa ku dhacay nabsi uga yimid Oog iyo Caynabo, haddii lacagaha la galin lahaa Caynabo, maanta Caynabo toban jeer ayey ka weynaan lahayd kana dad badan lahayd, kana dhaqale balaadhan lahayd Laascaanood.
Anigu waxaan qaba fekerkani:
1. Somaliland siday u dhantahay Carro Dhulbahante ciidan iyo maamulba ha ka baxdo
2. Dhammaan Siyaasiyiinta beesha Dhulbahante ee xilalka Jamhuuriyadda Somaliland ka haya ha is casilaan, hana ku laabtan deegaanadooda, ha lana kala faataxaysto.
3. Haayadaha dawliga iyo kuwa maxaliga ee Somaliland ha ka soo baxaan degmada Laascanood iyo dhammaan carro dhulbahante.
4. Gobolka Sool magaalo madaxdiisa ha laga dhigo magaalada Caynabo, xukuumaduna ha bilawdo mashruuc lagu bixinayo malaayin Dollar oo lagu balaadhinayo, laguna horumarinayo magaalooyinka Caynabo iyo Oog, waxaa loo isticmaali kara 2%, ay xukuumaddu ku bixin jirtay degmada Laascanood, waa in Caynabo noqota magaalo balaadhan oo xarun ganacsi u noqota deegaanka sida Wajaale.
5. Xukuumaddu waa inay dhisto dekedda Maydh, lana dhiso jid isku xidha Caynabo ilaa Maydh, dekedda loo isticmaalo bagaashka, si looga maarmo in ganacsatada Jamhuuriyadda Somaliland wax kala soo degaan dekedda Boosaso.
Degmada Laascanood iyo degmada Taleex oo iska taga, waxba kama dhimayaan qaddiyadda siyaasiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, sharciyan iyo dood ahaan labadaba, waxaanay Jamhuuriyadda Somaliland ka dhimayaan culays dhaqaale oo xad dhaaf ah.